4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2017
Dowladda federaalka oo wafdi horu dhac u ah u dirtay shirka London

 

Isniin, May, 08, 2017(HOL) –Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi horu dhac ah waxaa ay u dirtay magaalada London ee dalka Britain ,halkaasoo 10 bishan uu ka furmi doono Shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa loogu talagalay in ay la sii kulmaan mas’uuliyiinta dalka Britain ee shirkan marti gelinaya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta hadana ah madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte .

Ceynte ayaa sheegay in shirkan ay faa’iido badan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin suggida amniga, maqaamka Muqdisho, iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wada jir ah u shir guddoomin doona shirka ka furmaya London 10-ka bishan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]