Faransiiska oo madaxweyne Cusub doortay
Isniin, May, 08, 2017(HOL) -- Emmanuel Macron
ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, asagoo helay ku
dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine
Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.
Macron ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa
madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Faransiiska.
Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo
sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn
Faransiiska.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha la doortay in bog cusub uu u furmay taariikhda
Faransiiska.
“Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo
idinka mid ah,” ayuu yiri madaxweynaha cusub, asagoo wacad ku maray in shanta
sano ee soo socota uu ka shaqeyn doono mideynta shacabka dalkiisa.
Kumannaan taageerayaasha Macron ah ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimadda
Paris, halkaas oo uu kula hadlay madaxweynaha cusub.
Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u
hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]