4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2017
Madaxda Qaranka oo xalay ka qeyb-gashay xafladdii xiritaanka kalfadhigii koowaad ee Aqalka Sare

 

Isniin, May, 08, 2017 (HOL) -Munaasabad lagu soo xirayay kalfadhigii koowaad ee xildhibaannada Baarlamaanka Aqalka Sare, ayaa xalay lagu qabtay xaruunta Aqalka Sare ee magaalladda Muqdishu.

Xafladdii xiritaanka munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha golaha Shacabka Pro Jawaari, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, wasiiro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdishu, safiirka dowladda Turkiga ee Soomaliya iyo marti kale.

Guddoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa khudbad uu jeediyay, waxaa uu kaga hadlay waxqabadka Aqalka tan iyo markii la aas-aasay sanadkii hore.

“Waxyaabaha la taaban karo ee aan sameynay waxaa ka mid ah in la sameeyay xeer-hoosaadka xildhibaanada Aqalka Sare”, sidaasi ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Pro Jawaari, ayaa dhinaciisa ka hadlay wada shaqeynta ka dhexeysa labada Aqal ee Baarlamaanka.

“Wada shaqeyn wanaagsan ayaa ka dhexeeysa labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee labada dhinac ayaa xiliyada qaar kulma waxaana ay ka wada hadlaan howsha socota, dhinaca kale Guddiyaha kale ee labada Aqal ayaa sidaasi si lamid ah kulamo yeesha”, ayuu yiri.

Munaasabaddii xalay ayaa aheyd mid lagu soo xirayay Kalfadhigii koowaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare tan iyo markii la aas-aasay Aqalka, waxaana mudanayaasha hadda ay galayaan fasax.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia