4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Qarax lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 

Axad, May, 07, 2017 (HOL) -Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw waxaa ka dhacay qarax xoogan oo gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Qarax oo lagu soo xiray xagga hoose ee gaariga ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in sarkaalka la bartilmaameedsaday oo lagu magacaabo Cabduqaadir Dinix uu soo gaaray dhaawac.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo la xiriira qaraxa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama.

Waddadan oo uu ka dhacay qaraxa ayaa tan ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana ku yaala Hoteellada ugu caansan caasimada, waxaana ka socda ganacsi aad u ballaaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]