4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Puntland oo sii deysay 11 dhalinyaro ah oo lagu waayay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab


Axad, May, 07, 2017 (HOL) – Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xabsiga ka sii deysay 11 dhalinyaro ah oo lagu waayay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada ee shanta gobol Col Cabdifitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in ragan maxkamada ku weysay wax danbi ah lana sii daayay.

Col. Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ragan dib xoriyadooda loogu soo celiyey maadaama ay saddex bilood xirnaayeen.

“Qof kasta oo dambi lagu waayo maxkamada waxaa ay u soo celinaysaa xoriyadiisa iyadoo wax damaanad ah iyo wax kale midna lahayn, qofkii dambi lagu helo sharciga la marinayaa ,cidna looga haybaysan maayo “ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidamada.

Mid ka mid ah ragga la sii daayay oo lagu magacaabo Maxamed Xassan ayaa sheegay in uga mahadcelinayo maxkamada iney dib ugu soo celisay xoriyadooda kadib markii danbi lagu waayay.

Puntland oo ayaa marar badan oo hore toogasho ku fulisay dhalinayaro lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab kuwaa oo qaarkood la sheegay in ay dilal geysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]