4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Buuhoodle : Xukun dil ah oo lagu fuliyay gacan dhiigle horay dil u geystay

 

Axad, May, 07, 2017 (HOL) - Maxamed Faarax Dayib ayaa dil Qisaas ah lagu fuliyey magaalada Buuhoodle kadib markii uu diley Abdiraxiim Saleban Faarex "Rabiish" oo ka mid ahaa dhalinyarada fara ku tiriska ah ee u itaaga arimaha Bulshada.

Qisaasta ayaa timid xili ay isku afgarteen labada beelood xeer u yaaley degaanka Buuhoodle oo ahaa cidii wax disha in loo qisaaso, taas oo lagu fuliyey 6dii bilood ee la soo dhaafay afar gacan ku dhiigle sida uu HOL u sheegay Khadar Cawl oo ah suxufi halkaasi ka hawl gala.

Talaabadan ayaa laga soo dhoweeyey guud ahaan degaanka iyadoo culimada qaarkood oo halkaasi ka hadlay ay sheegeen in qisaasta ay noloshooda ku jirto, ka waxdileyna ay aakhiradiisu ku jirto.

Mutadawaca dhintay oo  habeenkii shanta April ahayd la dilay ayaa waxa uu ahaa aqoonyahan gacanta ku haya iskool dadka danyarta ah wax lagu baro, waxaanu ahaa shaqsigii koowaad ee isku taaga taakulaynta abaaraha, xiligii shubankana waxaa uu hogaan u ahaa dhalinta quudinta bukaanka.

 

Ururada dhalinyarada degmada Laascaanood ayaa isugu yimid kulan baroordiiq oo ay tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle hawnaxariistee Abdiraxiim Saleban Faarex "Rabiish" waxaanay xuseen waxqabadkii uu bushada u hayey.

Sidoo kale waxaa magaalada Hargeysa kulan kaas oo kale ah ku qabtay dhalinyaro gurmad caafimaad u tegey magaalada Buuhoodle waxaanay kulankaas ku xuseen mudadii ay halkaas joogeen wixii ay kala kulmeen iyo dadaalkiisii, iyagoo weer cas madaxa ku xidhay si ay u muujiyaan dareenkooda tacsi iyo taariikh nololeedkiisii ayay halkaasi ku soo jeediyeen

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool