Qiimaha lagu raaco Basaska xaafaddaha Hargeysa oo kordhay
Axad, May ,07,
2017 (HOL) – Waxaa sare u kacay qiimaha lacagaha lagu raaco Basaaska ama
gadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha xaafaddaha magaalada Hargeysa, kaddib
markii lagu kordhiyay 500 oo shilinka Soomaaliland ah.
Dadka ayaa arintan walaac badan ka muujiyay iyaga oo ka
gadooday qiimo korarka ku yimid lacagta lagu raaco Basaaska ama gadiidka
dadweynaha gaar ahaan xaafaddaha Xero Awr iyo Jigjigo Yar.
Basaaska ayaa markii hore lagu raaci jiray lacag dhan Kun
iyo Shan Boqol oo shilka Soomaaliland ah, taasoo ka dhigeysa qiimaha hadda lagu
raaco Basaaska Labo Kun oo shilka Soomaaliland ah.
Dadweynaha ayaa arinta dood ka keenay iyaga oo sheegay in
aysan ka war qiimo lagu kordhiyay gadiidka dadweynaha.
Dhinaca kale, gadiidleyda Basaska ayaa sheegay in wax kasta
lagu kordhiyay oo shiidaalkii, iyo agabkii baabuurka lagu wadayay kordheen,
sidaas darteed aanay macquul ahayn in intii hore uun lagu raaco, waxaanay
sheegen in ay ka dhigeen laba kun oo shilling, halka markii hore ka ahaa kun
iyo shan boqol.
“Wax walba waa la kordhiyey, maceeshadii baa la kordhiyey,
shiidaalkii baa la kordhiyey, taayarkii baa la kordhiyay anaguna Kun iyo Shan
Boqol uun dadka ku qaadi mayno, waxaana ka dhignay laba kun illa waxan hoos loo
dhigayo”ayuu yidhi Dirawal ka mida h darawaladda gaadiidleyda Basaaska.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Buraale oo ka hadlay ayaa sheegay in ay shakhsiyaad kooban
arrintan ku kaceen, sidaas darteed aanay caqbaleen in la kordhiyo oo sixir
bararkii jiray lagu daro Basaaska ay dadka masaakiinta ahi raacaan.
“Waan maqlay in ay kordhiyeen lacagtii lagu raaciyay oo laba
kun ka dhigeen, arrintaasi markii aanu daba galnay ee xaqiiqo raadis u
dhaqaaaqnay meelaha qaar kordhiyeen, waxaanu la xiriirnay maamulkoodii oo wada
shaqayn fiican naga dhexeysay, maamulka wuxuu noo sheegay in aan arrintaasi
waxba ka ogayn cida arrintaasi ku dhaqaaqday waa inay dib uga dhacda oo ha ku
kicin sixir bararka qayb ka noqda sixir bararkii jiray”ayuu yidhi
Buraale.
Si kastaba ha ahaatee, sicir bararkii lacagta ayaa saameeyey
maceeshaddii waxaanay dadweynuhu si weyn uga cabanayaan lacagtoodii oo aan
waxba ka jareen oo tusaale ahaan shaygii shanta boqol la siin jiray ayaa maraya
kun shilling, waxaana taas sabab u ah shanta boqol oo noqotay shayga ugu
yar lacagteenii, waxaana meesha ka baxday boqolkii shilin iyo kontiinkii
shilling.
Dadka dhaaqloyahanka waxay arrintaasi ku tilmaameen shanta
kun iyo kunka shilling ee isku yaalla ee la soo daabacay sabab u yihiin sixir
bararka, taas oo suuqa ka saartay boqolkii shilling ee sirsirka loo qaadan
jiray.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.