4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2017
Afar nin oo gabar 13-sano jir ah ku kufsaday Degmada Burtinle iyo wasiirka Haweenka Puntland oo ka Hadashay


Axad, May, 07, 2017 (HOL) -Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa ka digtay in waan-waan qabiil lagu dhameeyo kufsi loo gaystay gabadh 13 sano jir ah,kaasi oo ka dhacay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Waxa ay sheegay in arintani ay tahay mid laga naxo ,iyada oo tilmaamtay in talaabo sharciga waafaqsan lala tiigsan doono dadkii ka danbeeyay kufsiga ka dib markii ay degmada Burtinle kula kulantay gabadhan yar oo ay ka muuqato dhibaatada loo gaystay.

"Hadda waxaan ku suganahay Burtinle ,waxaan u imaaday inaan u qareemo gabadh yar oo halkan lagu kufsaday oo runtii aan dhihi karo waxaa loo gaystay dhibaato weyn" ayey tiri wasiirad Aniso oo sheegtay in dowladda talaabada arintan kaga aadan ay qaadi doonto.

Kufsigan oo dhacay bishii hore 26-keedi ayaa la shegay in loogu aarguday kufsi horey  uga dhacay gobolka Nugaal ,waxaana hadda la sheegay in ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaal deegaanka ah oo doonaya in arinta loo maro hab beeleed.

Wasiir Aniso oo aan sheegin magaca gabadhan yar ayaa sheegtay in la siiyay dawooyin ,isla markaana ay dhakhaatiirtu soo xaqiijiyeen kufisgan,waxaana ay tilmaamtay in taliska gobolka Nugaal lagu war-galiyay arinta dhacday.

Kufsiga ayaa baryahan si is-daba joog ah uga dhacayay qaybo badan oo kamid ah dalka ,waxaana dhawaan maamulka Gal-Mudug ay gacanta ku soo dhigeen rag Kufsi wadareed ka gaystay gobolka Mudug

Ugu danbayn ,wasiirka ayaa ugu baaqday odayasha deegaanka ay in arintan faraha kala baxaan ,iyada oo sheegtay in dowlad-du ay ku howlantahay sidii gabadhan xaqeeda ay u heli lahayd ,isla markaana cadaaladda loo marsiin lahaa rag-ga kufsiga gaystay.  

Faysal M. Hassan
[email protected]