4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Axad,May ,07, 2017 (HOL) – Dowaladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 05 tii bishan howlgal ballaaran oo ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dilka horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Baadil muujineyso hoos u dhaca ku yimid awoodii kooxda.

“Dilka horjoogahan waxaa ay muujineysaa sida loo wiiqay awoodii kooxda ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa sheegtay in hawlgalka lagu dilay sarkaalkaasi oo dhacay habeenkii Jimcaha uu yahay mid lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro Al Shabaab

Qoraalka ayaa ugu danbeyntii lagu sheegay in dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab loogu baaqayo in ay isaga soo baxaan ururka.

Howlgalka ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]