4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2017
Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo Tahriibayaal soo badbaadiyay

 

Axad,May, 07, 2017 (HOL)- Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in 48 saac ee la soo dhaafay ka soo badbaadiyeen badda Mediterranean-ka qiyaastii Lix Kun oo qof oo doonayey in ay tahriib ku gaaraan Yurub.

Saraakiishu waxay sheegeen in Sabtidii iyo Jimcihii ay fuliyeen hawlo gurmad deg deg ah oo lagu samatabixinayo dadkaa tahriibka ah.

Dadkaa Tahriibka ah badankoodu waxay dalka Liibiya kaga soo safreen doonyo macmal ah.

Dadka tahriibka ah ee la soo badbaadiyey qaarkood ayaaba soo gaadhay xeebaha Talyaaniya halka boqolaal kalena markab ay leedahay hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ka soo dhex qaaday badda.

Markabkaa sida dadka la soo samatabixiyey ayaa la filayaa in uu maanta oo Axad ah ku soo xirto dekadda Reggio Calabria.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]