4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Soomaliland oo joojisay Muxaadarooyin ku saabsan qadiyada Soomaliland oo Prof Bulxan ka jeedin lahaa Xamar

 

Axad,May,07, 2017 (HOL)- Dr:Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ah aqoonyahan horena u ahaa gudoomiyihii jaamacadda Hargeysa,  ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu ka joogo tagitaankii magaaladda Muqdisho ee uu hore u shaaciyey inuu dooddo uu kaga hadli doono qadiyadda Somaliland ka jeedin doono jaamacadaha Muqdisho kadib markii xukumadda ka joojisay inaanu arrimahaasi dhex galin.

Bulxan ayaa sheegay in xukuumaddu u sheegtay in arrintani ugub ku tahay,isla markaana aanay hore u dhicin in Hargeysa dhexdeedda qof ka shaaciyo inuu Muqdisho arrimo siyaasadeed u tagayo, sidaas darteed uu u baajiyey caasimaddii uu ku lahaa Muqdisho.

“Aniga Xukuumad ima casuumin ee waxa I casuumay waxay ahaayeen aqoonyahan aanu wada hadal yeelanay oo aniga xagayga sharaf ka leh, oo xal raadin dhab ah ku jira”ayuu yidhi Dr:Bulxan oo ka hadlayey sababta ugu wacan inuu Xamar u tago.

Mar la waydiiyey sababta xukuumaddu ugu diiday iyo waxay u cuskanayaan, waxa uu yidhi “waxay yidhaahdeen arrinkani waa mid ugub ah, oo aan hore u dhicin, qof inta uu Hargeysa isa soo dhex istaago yidhaahdo xamar baan tagayaa oo aan ka hadlayaa waa arrin cusub ayey yidhaahdeen, wuxuu u horseedayaa arrinkaasi mushkilado kale oo noo muuqdo oo qaar kale sidaas iskaga dhaqaaqaan, waxay yidhaahdeen wada hadalka xukuumaddii baa gacanta ku haysa marka in ay iyaga uun ku eekaato oo hawsah waddo ayaa nala quman”.

Bulxan waxa uu sheegay in aanu qofna mataleen balse si aqoonyahan ahaan uun uu u tagayo Muqdisho,haseyeeshee xukuumaddu ay ka gaws qaniintay inuu Hargeysa ka tuullo oo uu toos u tago Xamar.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta uga joojiyeen Dr;Bulxan inuu Muqdisho u tago arrimo qadiyada Somaliland, waxaana sheegeen in xukuumadda loo igmaday arrimaha wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr:Sacad Cali Shire oo ka hadlaya sababta looga joojiyey Bulxan inuu Muqdisho tago waxa uu yidhi “arrinka wada hadalka ee inaga dhexeeya wuxuu baarlamaanku u igmaday xukuumadda cid kale looma igman, wada hadalkaasi waa mid caalami ah oo labadda wadan u dhexeysa, dadkeenu way tagaan Muqdisho oo ganacsi iyo danno kale u tagaan laakiin wada hadalka xukuumada mooyee cid kale looma ogola, waana is aragnay Bulxan waana u sheegnay in wakhtigan munaasib ku ahayn.”

 

Mar la waydiiyey sababta ugu diidayaan mar haddii uu Dr, Bulxan dariiq ka duwan ta xukuumadda uu qaadayo oo uu arrimaha ictiraafka uun kaga hadlayo, waxaa uu yidhi Wasiir Sacad “cidda wax inaga dhexeysa waa dawladda Soomaaliya ee maaha aqoonyahanka Soomaaliya, wixii inaga dhexeeyana waxa la isla gartay in meel caalamiya lagaga wada hadlo, dawlad ka dawlad, dawladdu way adeegsanaysaa aqoonyahankeedda oo mar Bulxan wuu noo raacay Ankara, isagoo dood la gallay aqoonyahanno Soomaaliya ah si fiican wuu uga hadlay waana ku bogaadinayaa Bulxan sida uu arrimaha Somaliland uga hadlo, marka wax isaga loo diiday maaha nidaamka sidaas ah”.

Si kastaba ha ahaatee, Prof Bulxan ayaa dhowaan madal ay iskugu yimaadeen aqoonyahano reer Somaliland ka shaaciyey inuu casuumad ka helay aqoonyahanno Soomaaliya ah,isla markaana uu muxaadarooyin uu kaga hadlayo qadiyadda Somaliland iyo madax banaanideeda ka jeedin doono, waxayna noqonaysay markii ugu horeyso oo muxaadarooyin ku saabsan qadiyada Somaliland Jaamacadaha Muqdisho laga jeediyo, haseyeeshee xukuumadda ayaa safarkiisa joojisay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.