4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2017
Kooxda Boko Xaraam oo sii deysay 82 gabdhood oo Afduub ay u heysteen

 
Axad, May, 07, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 82 gabdhood oo iskuuleey ahaa oo Boko Haram ay afduubatay sanadkii 2014 ayaa la sii daayay, sida dowladda Nigeria ay sheegtay.

Gabdhaha hadda lasii daayay waxaa ay ka mid ahaayeen 200 oo gabdhood oo laga afduubtay magaalladda Chibok. In ka badan 270 gabdhood ayaa Chibok laga qafaashay sanadkii 2014.

Kooxda Boko Haram, ayaa si iskooda ah usoo daayay gabdhaha, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nigeria.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in sii deynta gabdhahan ay ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.

Gabdhaha ayaa gawaari looga soo qaaday deegaan go'doon ah, ka dibna waxaa la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer kadib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.

Kooxda Boko Xamaar, ayaa gabdhaha waxaa ay afduubteen iyagoo ku jira Iskuulada dowladda ay maamusho ee dalkaasi ku yaallada.

20,000 oo qof ayaa dhintay halka 2.3 Million-na ay barakeceen tan iyo markii Kooxda Boko Xamaar ay dagaalka ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia