4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo rajo badan ka muujiyay shirka London

 

Axad, May, 07, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maalintii shalay ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka London.

‘’Waxaan ku sii jeedaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajeynayaa in uu noqdo shir ku soo dhamaada, waxaan rajaynayaa in shirkani uu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu iman jiray wadamada dibada, sababtuna waxaa ay tahay muhiimada Soomaalida u leeyahay, shirkani muhiimadiisa waxa weeye in la helo ciidan Qaran, in la helo dib u dhis iyo horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo la dhaqaajiyo nabadgelyadii iyo horumarkiiba, waxaana ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi in uu noqdo mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale, maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo ka anbabaxay madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ku sii jeeda shirka dhawaan ka furmaya magaalada London.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul gobolleedyada ayaa la filayaa in ay wada jir uga qeyb-gallaan shirka oo ay wada jir u gudoomin doonaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha dowladda martida loo yahay ee Britain.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]