4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2017
Al Shabaab oo weeraray saldhiga ciidamada Kenya ee Gobolka Gedo


Axad, May, 07, 2017 (HOL) -Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin duleedka degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tarako oo qiyaastii 50km galbeed kaga beegan magaalladda Baardheere, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka, dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa madaafiic.

Maamulka dowladda ee Gobolka Gedo, wali kama aysan hadlin Al shabaab werarka ay ku qaadeen saldhiga.

Ciidanka KDF-ta dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa waxaa saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Shabeellaha Hoose iyo Gedo.

Dhinaca kale 30-kii bishii, April, Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Al Shabaab, kadib howlgallo ay ciidanka dowladda Kenya ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Diyaaradaha dowladda Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanka War-Gaduud oo u dhow degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Sarkaal la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xusay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii Al-Shabaab ee Gobolka Gedo, oo lagu magacaabi jiray Cali Shangalow.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia