4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 7 , 2017
Feysal Cali Waraabe oo ka digay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya

 Axad, May, 07, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradkaa UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa digay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Soomaaliya isaga oo ka dalbaday mas’uuliyiinta maamulka Soomaaliland in ay arintaa ka hadlaaan.

Waxaa uu sheegay in shirka London ka dhacaya bishan marnaba aqabali doonin in caalamku ka qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka ah ee saaran.

‘’Haddii ay arintaa dhacdo oo hubka loo fasaxo Soomaaliya khatar weyn ayaa ka iman karta, Soomaaliyana waa ay isku dilileysaa annagana amniganeena ayaa khatar galli kara’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa uu sheegay in maamulka uu horkacayo Axmed Siilaanyo looga fadhiyo in ay cadeeyaan mowqifkooda shirka London, islamarkaana ka hadlaan arinta ku saabsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Qodobada la filayo in dowladda Soomaaliya la shir tagto kulanka London ayaa waxaa ka mid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]