4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
Kalfadhigii koowaad ee aqalka sare oo maanta la soo xiray

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) – Waxaa maanta soo xiray kalfadhigii koowaad ee xildhibaanada baarlamaanka aqalka sare, kadib kulankii 28aad oo ay meenta yeesheen.

Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyay xiritaanka kalfadhiga aqalka sare waxaa uu sheegay in mudadii uu socday kalfadhiga xildhibaanada aqalka Sare wax badan u qabsoomeen oo ay ka mid yihiin dhismaha xeer hoosaadyadii lagu dhaqmi lahaa.

“Mudaddii uu kalfadhigan furnaa xildhibaannadu waxaa ay ku soo shaqeynayeen dhaqaalle la’aan, aqalka sare wali wax miisaaniyad iyo dhaqaale oo uu hellay ma jiro.”ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdulaahi guddoomiyaha aqalka sare.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay qaateen dhowr kulan oo kala duwan oo looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Xildhibaanada Aqalka Sare.

Kalfdhigan la soo xiray ayaa noqonaya kii koowaad oo ay yeeshaan xildhibaanada aqalka sare tan iyo markii la aasaasay aqalka sare sanadkii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]