4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
Kulan looga hadlayay ka hortaga cudurro ka dhalan kara roobabka oo ka dhacay Laascaanood

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) – Kulankan oo ay ka qaygaleen maamulka gobolka, degmada, gudiga abaaraha, caafimaadka, dhalinyarada, hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ayaa waxaa si weyn loogu lafaguray sidii loo xakamayn lahaa hadii shuban biyood ka bilaabmo gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo shirka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in cabsi weyn laga qabo shuban ka dhasha gobolka maadaama waqtigan ay roobab da'een isla markaana aysan noqon kuwo nadiifiya dhulka.

"Waxaan isugu yeernay dhamaan cida ay qusayso ee wax ka qaban karta, waxaana isla garanay in aan dhisno gudiyo kala duwan oo ka shaqeeya Gurmadka iyo wacyigelinta" waxaanu xusay in ka hortagu ka wanaagsan yahay daaweynta.

Kusimaha Isuduwaha caafimaadka gobolka Sool Dr. Bille X. Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in meelo ka mid ah gobolka keysas laga helay balse si degdeg ah looga hortegey laguna guulaystey.

Bille waxaa uu tilmaamay in dawladda hoose ay joojisey booyadaha biya soo dhaamiya balse taas ay haatan ku bedeleen in biyaha lagu daweeyo kaantaroolada intaanay soo gaadhin magaalada.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhamaantood tilmaameen baahida loo qabey dadaal iskaashi oo lagaga hortago shhuban biyoodka oo aafeeyey degaano badan.

Shirkan ayaa waxaa sababay ka dib markii ay degaanada Buuhoodle inka badan boqol qof ay u dhinteen kumanaan qofna laga badbaadiyey, taasina ay sababtay in diyaargarow la sameeyo maadaama isu socodka dadku uu yahay mid furan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool