4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
India : Baaritaan lagu sameynayo Jiir ku eedeysan in uu Khamri cabbay

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) – Inkastoo marka la eego sheekooyinka noocan oo kale ah yihiin kuwo dhif iyo naadir ah, haddana dhinaca sharciga marka laga hadlayo meelaha qaar dunida waxaa muuqata in bani’aadamka iyo xayawaanka intaba u siman yihiin.

Dalka India waxaa soconaya baaritaan lagu hayo Jiir ama Dooli lagu soo eedeeyay in uu Khamri cabbay kaddib markii uu ugu soo dhacay Bakhaaro lagu soo xiray Khamriga.

Taliyaha booliska magaalada Patna, Manu Maharaj, ayaa sheegay in kor meerayaal boolis ah u sheegeen maalintii Tallaadada in khamrigii saldhigyada booliska lagu soo xareeyey badankiisii uu Jiir cabbay.

Waxaa uu intaa ku darray taliyaha booliiska in uu socdo  baaritaan lagu hubsanayo wixii ka run ah eeddan Jiirka loo soo jeediyey.

Wasiirka Koowaad ee gobolka Bihar, Nitish Kumar, ayaa markii uu xilka la wareegay sannadkii hore soo saaray qaraar uu ku mamnuucayo Khamriga, tallaabadaas oo loo arkayay mid lagu doonayay in hoos loogu dhigo faro xumaynta haweenka lagu hayo iyo sidoo kale faqriga oo gobolkaa ku badan.

 

Markii uu soo baxay hadalkan ayeey askar booliis ah shegeen in Jiir Khamrigii la soo qabtay  cabbay, waxaana in ka badan 1000 saldhig oo ku yaal gobolka amar lagu siiyay in ay si joogta ah u kormeeraan Khamriga la soo qabtay ee saldhigyada yaala oo ay ka celiyaan Jiirka la sheegay in uu cabbayo. 

Taliye Maharaj ayaa wargeyska Hindu u sheegay in sidoo kale askarta booliska ah laftirkooda la hubsan doono in ay iyagu khamrigaa cabaan iyo in kale.

Isaga oo yiri " hadii lagu helo in ay iyagu khamriga xadaan oo ay cabbaan in shaqada laga eryi doono islamarkaana lagu qaadi doono xeerka adag ee ka hor tagga mukhaadaraadka".

Waa laga yabaa in aadan rumeysan in Jiir la soo dacweyn karo islamarkaana la baaro eedeymaha loo heysto, laakiin arintan waxaa ay ka dhacday dalka India..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]