4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
Shirweyne looga arinsanayo hormarinta Isgaarsiinta iyo Tiknooljiyada oo ka furmay Muqdisho Sawirro

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) – Shirweyne Qaran oo looga arinsanayo hormarinta Isgaarsinta iyo Tiknoolajiyada oo qeyb ka ah qorshaha xukuumada ee tayeeynta Isgaarsiinta ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxaa soo qabanqaabisay wasaarradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan gollaha xukuumada, xildhibaanno, wasiirrada isgaarsiinta dowlad gobolleedyada, xubno ka socda shirkadaha isgaarsiinta iyo macalimiinta Jaacaddaha dalka ka dhiga kulyada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada.

Agaasimaha guud ee wasaarada Boostadda iyo Isgaasriinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in shirkan uu yahay shirkii ugu horeeyey ee ay wasaaradda qabato.

Wasiirka wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xassan ayaa sheegay in Horumarka Tiknoolajiyadda ay dalka ahmiyadda wayn u leedahay, islamarkaana ka qayb qaadanayso kobcinta dhaqalaha.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ganacsatadda Soomaaliyed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka iyo dhismaha dowladdanimada taas oo sare u qaadaysa tayeynta ganacsigooda.

Ra’iisal wasaraha ayaa mar uu la halayay wakiiladda shirka u matalayadda dowlada goboleedyadda dalka ugu baaqay in ka shaqayaan midnimadda iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen soo celinta sumcadda wadankeena.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay ka qayb galayaasha shirwaynha looga hadlayo horumarinta Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda in shirkan loo baahanyahay in uu ka duwanaado shirarkii hore islamarkaana ay soo baxaan talooyin wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]