4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay natiijada doorashadii madaxweynaha Galmudug

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa war murtiyeedkii u horeeyay ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado, kaasoo madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War-murtiyeed oo laga soo saaray xafiiska ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug:-

Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee baarlamaanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee dawlad goboleedka Galmudug si ay korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashadii ka dhacday Cadaado maalinnimada Arbacadii ee 03-dii, 05,2017.

Doorasho ay ku tartmeen ilaa saddex musharax ayaa 03-dii bishan Arbacadii aan soo dhaafnay waxaa ay ka dhacday magaalada Cadaado, doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

  1. Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo  dhawaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto in ay u dhacday si xor iyo xalaal ah.
  1. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqeysa hoggaanka cusub ee Galmudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Galmudug, si xal kama dambays ah looga gaaro khilaafka labada dhinac.
  2. Waxay dawladda federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro nabadda iyo midnimada deegaanka Galmudug, si shacabka reer Galmudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.
  3. Waxay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.
  4. Waxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Galmudug iyo hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.

Doorashadan ayaa timid kadib markii uu xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug iska casilay madaxweynihii hore Cabdikariin Xussen Guulleed kaddib cadaadis uga yimid xildhibaannada dowlad gobolleedka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]