4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2017
Booliiska Soomaliya oo gacanta ku dhigay nin dilay walaashiisa

 
Sabti, May, 06, 2017 (HOL) - Taliska ciidamada Booliiska ee degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dilay gabar isaga la dhalatay.

Ninka Booliiska gacanta ay ku hayaan ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay laga baadi-goobayay degmadda.

“Ninka waxaa walaashiisa uu ku dhex dilay beer ku taalla deegaanka Doonweyne, ciidanka hadda gacanta ayeey ku hayaan, waxaana la horgeyn doonaa sharciga”, sidaasi waxaa yiri Amiin Maxamed Cismaan, taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Afgooye.

Gabadha ayaa la sheegay in lagu dilay Faas, sida ay sheegeen dadka deegaanka , waxaana ay u geeryootay dhaawacii soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka argagaxeen dilka gabadha, sida mid ka mid ah dadka ku nool degmadda Afgooye uu u sheegay Hiiraan Online. 

Dilalka noocaan oo kala ah ayaa dhif iyo naadir ku ah dalka Soomaaliya, balse dhacdooyin kale oo naxdin leh ayaa laga soo wariyaa deegaanadda dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia