4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2017
Dowladda Itoobiya oo deeq raashin ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan +Video

 

Sabti, May, 06, 2017 (HOL) - Wakiil ka socday safaraada Itoobiya ee Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan.

Sarkaal u hadlay ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa sheegay in deeqday raashinka ka soo gudbiyeen xadka ay wadaagaan labada dowladood Soomaaliya iyo Itoobiya shan cisho ka hor, hasse ahaatee maanta si rasmi ah loogu wareejiyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

‘’Raashinkan waxaa ku deeqay dowladda Itoobiya, annaga oo ah ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa ayaa ka soo gudbinay xadka labada dowladood, maanta ayeey suurtagashay in lagu wareejiyo maamulka gobolka Hiiraan’’ ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada Itoobiya.

Sarkaalka ayaa intaa ku darray in magaalada Addis Ababa ka soo anbabaxeen ilaa 50 gadiid ah oo sida gargaar loogu talagalay dadka ay abaaraha ku dhufteen kuwaa oo loo kala diray deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

‘’Raashinkan waxaa la gaarsiiyay dhamaan deegaannada ay ka howlgalaan ciidamada Itoobiya, kaddib markii codsi arintaa la xiriira loo gudbiyay safaarada Itoobiya ee Soomaaliya’’ ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada.

Wakiilka safaarada Itoobiya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in raashinkan uu ka kooban yahay 1689 Kiintaal oo Bariis ah, 1666 Kiintaal oo Bur ah, 3472 Kartoon oo Buskut ah iyo Kumannaan kartoon oo caano ah.

‘’Safaarada oo ka warqabta dhibaatada abaarta ee ka jirta dalka ayeey ku deeqeen gargaarkan oo ah mid ballaaran oo la gaarsiiyay dhamaanba deegaannada ay ka howlgalaan ciidamada Itoobiya’’ ayuu sheegay wakiika safaarada Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay goobta raashinkan lagu wareejiyay ayaa u mahad celiyay dowladda Itoobiya, isaga oo sheegay gargaarkan uusan aheyn kii ugu horeeyay oo ay ku deeqdo dowladda Itoobiya, hasse ahaatee raashinkan lagu soo beegay xili ay siweyn ugu baahnaayeen bulshada ku dhaqan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]