4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2017
Faafaahin: Al Shabaab oo Gowracay laba askari oo dowladda ka tirsan

 
Sabti, May, 06, 2017 (HOL) -  Al shabaab ayaa sheegay in ay Gowraceen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka militariga dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa la sheegay in askarta ay kala degeen gaari Homey ah oo ku sii jeeday Magaalladda Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe.

Magacyada labada askari ee la gowracay ayaa lagu kala sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub, sida ay sheegeen saraakiil ciidanka dowladda ka tirsan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadda Mahadaay ayaa hadda wada dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoggan.

Maamulka dowladda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe wali kama aysan hadlin, dhacdadaan. 

6-dii bishii February ee sanadkan,  Al shabaab ayaa afar qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah ku gowracay Degmadda Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadkas ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeysay in-ay u jaajuusayeen dowladda iyo maamulka Jubbaland. 

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia