4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2017
NUSOJ oo maamulka Hirshabeelle ka dalbatay in lasii daayo wariye lagu xiray magaalladda Jowhar

 
Sabti, May, 06, 2017 (HOL) -  Maalintii labaad waxaa Xabsi ku yaalla magaalladda Jowhar ku jira Wariye Ismaaciil Abdulle Sabriye, oo ciidanka ay xabsiga dhigeen.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay xarigga wariyaha.

War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xariga loo geystay Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye  oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Jowhar, kana shaqeynaayay Tv-ga Universal.

” Waxaan weydiisanaynaa maamulka Hirshabeelle in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Maamulka Hirshabeelle ayaa xiray Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Jowhar.

Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Wariyaha iyo sidoo kale Tv-ga lagu xiray Warar been abuur ah.

Warkaasi ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb gali doonin Shirka London ee Arimaha Soomaaliya looga hadlaayo.

Mahad Xasan Cusmaan waxa uu sheegay warkaasi in Shacabka uu dhibsaday dhagahooda, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble uu ka qeyb gali doono Shirka London ka furmaya.

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia