4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2017
Booliiska dowladda oo baaritaano ku haya laba askari iyo ilaaladdii Marxuum wasiir Cabbaas

 
Sabti, May, 06, 2017 (HOL) - Ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay saddex askari oo lala xiriiriyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Qaasim Axmed.

“Ciidanka Police-ka waxaa ay xireen askari ilaalo u ahaa Marxuum wasiir Cabbaas Shiraaji, si qeyb uu uga noqdo baaritaanka, sidoo kale ciidanka waxaa ay gacanta ku hayaan laba askari oo la socday Hanti-dhowrkii Qaranka”, sidaasi waxaa yiri Afhayeenka.

Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji ayaa xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Golaha wasiiradda ayaa ceyriyay Hantidhowrkii Qaranka, kadib marii ilaaladdiisa rasaas ay ku fureen uu ku geeryooday wasiir Cabbaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa ku amray madaxda ammniga in ay dhaqso uga sal gaaraan wixii sababay dilka wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dalka Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Farmaajo ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxaana uu sheegay in Cabaas uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN".

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri "Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto."

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia