4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2017
Al Shabaab iyo Beeraleey hubeysan oo ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

 
Sabti, May, 06, 2017 (HOL) - Al Shabaab iyo Beeraleey hubeysan ayaa xalay ku dagaalamay Degaanka Sabuun ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay shegeen.

Ugu yaraan hal qof ayaa geeryooday, ilaa iyo haddana lama oga dhinaca uu ka tirsanaa, sidoo kale dagaalka waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo kale.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Beeraleyda iyo dagaalyahanada Al Shabaab uu khilaaf soo dhexgalay, sida goobjooge uu sheegay.

Dhinaca kale Talaadadii lasoo dhaafay, Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab isugu jiray ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada kala ah Lambar 50, Ceel wareegow, Gandarshe, Jilib Marka iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhow magaalladda Marka.

Dagaalka markii hore waxa uu u dhexeeyay Al Shabaab iyo dad xoola dhaqata ah balse, markii dambe xoola dhaqatadda waxaa ay gurmad ka heleen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida Dadka deegaanka ay Hiiraan Online u sheegeen.

Guddoomiyaha deegaanka nambar 50 Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen labo ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia