4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Markab Shiinaha laga leeyahay oo Puntland ku soo wareejiyay Seddex Nin oo Burcad-badeed ah


Jimco, May, 05, 2017 (HOL) – Markab nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka shiinaha ayaa maanta Puntland ku soo wareejiyay seddex nin oo burcad badeed ah ,kuwaasi oo la qabtay horaantii sanadkan xilli ay doonayeen in ay afduubtaan Markab nooca xamuulka ah oo laga lahaa dalka Hindiya.

Saddexda nin  ayaa lagu kala magacaabaa  Maxmed Cabdulahi Maxmed. Cabdikariin Saalax Maxmed, Maxmuud Mahad Yuusuf, waxaana baadi-goob loogu jiraa laba nin oo kale oo ka baxsaday gacana Markabkan.

Agaasimaha Wasaaradda dekedaha C/majiid Samatar Jaafaan ayaa sheegay in labada baxsadka ah ay ku sugan-yihiin deegaano ka tirsan gobolka Gardafuu ee Puntland ,isla markaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Soo wareejinta burcad-badeedan ayaa ka danbaysay wada-hadalo dhex-maray wasaaradda dekadaha Puntland iyo ciidamada dowladda Shiinaha ee ka howl-gala xeebaha Somalia ,waxaaa rag-gan laga soo qabtay meel u dhow jasiirad-da Suqadra.

Mid kamid ah rag-ga maanta la keenay magaalada Bosaaso ayaa cafis ka dalbaday madaxda Puntland ,waxaana uu sheegay in shaqo la'aan iyo duruufo adag oo dalka ka jira awgood ay bad-da u qaraab tageen.

Ugu danbayn ,warbixino kala duwan oo la soo saaray dhawaan ayaa cadaynaya in kooxaha burcad-badeed-da Somalida ay dib u soo noqdeen sababo la xiriira abaaro iyo macluul daran oo ku dhufatay in badan oo kamid ah dalka.  

Faysal M. Hassan
[email protected]