4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Maamulka Hirshabeelle oo xabsiga dhigay wariyihii Universal TV ee magaalada Jowhar

 Jimco, May, 05, 2017 (HOL) -- Maamulka Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay wariyihii TV Universal ee magaalada Jowhar Ismaaciil Cabdulle Sabriye, halka sidoo kale howlaha Tvga laga mamnuucay deegaannada uu ka arimiyo maamulka.

Mahad Xassan Cismaan oo ah wasiirka wasaarrada warfaafinta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in wariyaha la xiray war been abuur ah ka faafiyay maamulka kaasoo ah in madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London.

‘’Waa been abuur madaxweynaha waxaa uu ka qeybgalayaa shirka London, meel uu ku sheegay malaha in uu shirkaa ka ka qeybgali doonin’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo maalintii shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Qorshaha hormarinta Qaran ee la filayo in lala tago shirka London, isaga oo arintaa ku micneeyay in qorshahan uu ka horeeyay dhismihii maamulka Hirshabeelle.

Horay maamulka Hirshabeelle ayaa saacado koooban xabsiga dhigay Wariye Xusseen Xassan Dhaqane oo ah wariyaha Idaacada VOAda ee gobollada dhexe oo lagu eedeeyay in uu warbaahinta ka sii daayay warar aan sax aheyn.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Taleefishinka Universal ee ku saabsan xariga Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ugaga soo warama magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]