4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Askari American ah oo lagu dilay Soomaaliya

 
Jimco, May, 05, 2017 (HOL) -Hal askari oo American ah ayaa dhintay, halka laba kallana ay dhaawacmeen, iyagoo ku jira howgal ka dhan ah Al Shabaab.

Howlgalka waxaa uu ka dhacay deegaan u dhow Bariire oo qiyastii 40 miles galbeed kaga beegan magaalladda Muqdishu ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Saraakiil American ah ayaa geerida askariga iyo dhaawaca labada kale u xaqiijiyay Telefeshinka CNN ee dalka Mareykanka.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid xooggan, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Ciidanka Mareykanka ayaa taageero siiya AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, waxana dhawaanadan howlagllo ay ka wadeen koonfurta Soomaliya.

Dhinaca kale Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Duqeynta ayaa dhacday xalay, waxaana sidoo kale diyaaradaha ay duqeyeen deegaanka Mubaarak oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Laba diyaaradood ayaa la sheegay in ay duqeynta fuliyeen, kuwaas oo aan la garan dalka laga leeyahay.

Ilaa iyo hadda lama ogaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkan ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.

Ciidanka American-ka ee Soomaaliya jooga:_

14 bishii April, waxaa soo baxay war sheegaya in Ciidamo American ah loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan yimid magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in imaatinka ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya  ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalladda Muqdishu waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

Hiiraan Online,
Haassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia