4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Maxkamada ciidamada oo u digtay mas’uuliyiinta dowladda iyo ilaaladooda

 

Jimco, May, 05, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ilaaladooda intaba in ay handadaan dadka shacab ah.

Guddoomiyaha maxkamada darjada koowaad ciidamada qalabka sida G/sare Xassan Cali Shuute ayaa sheegay in dilkii loo geystay habeennimadii Arbacadii aynu soo dhaafnay loo soo xiray saddex askari oo ilaalo ahaa sida uu sheegay hanta dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Cali Faarax.

‘’Saddex askari ayaa u xiran falka dilka ah baaritaan ayaa socda si loo ogaato cidda rasmiga ah riday xabadda uu wasiirka ku dhintay’’ ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Waxaa uu sheegay in inta badan ilaalada mas’uuliyiinta dowladda handadaa u geystaan gadiidka ay wataan dadka shacabka marka ay jidadka marayaan, isaga oo intaa ku darray in mas’uulkii lagu helo arintaa fal danbiyeedka dhaca wax ku yeelan doono.

‘’Jidadka marka ay marayaan mas’uuliyiinta dowladda waxaa dhacda in ilaalada ay handadaan ama qoryaha ku taagaan gadiidka ay leeyihiin dadka shacabka ah, mas’uulkii arintaa ka ogolaada ilaaladiisa danbiga ayuu wax ku yeelanayaa’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Digniinta ka soo baxday maxkamada ciidamada ayaa imaneysa xili marar badan hore ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada lagu eedeeyay in ay toogasho bareer ah u geystaan dadka shacabka ah xiliyada ay marayaan jidadka caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]