4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Maamulka Hirshabeelle oo qaadacay qorshaha hormarinta Qaran


Jimco, May, 05, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in aysan aqoonsaney Qorshaha Hormarinta Qaran ee la filayo in dowladda federaalka la tagto shirka London.

Waxaa uu ku sheegay sababta ay u diideen in ay tahay maamulka Hirshabeelle oo aan dhisneyn waqtigii qorshaha la hergalinayay.

‘’Sababta aan qorshahan u diidnay wax kala ma’aha Hirshabeelle ma jirin markii qorshaas  la sameynayay, sidaa daraadeed wax tallo ah iyo fikir ah midna kuma laheyn qorshan’’ ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ka soo horjeeda hormarka maamulkiisa go’doomin gaar ah ahna ku haya.

''Marka laga hadlay dekedaha si cad ayuu qorshahan u qeexayaa in Koonfur galbeed deked hesho, laakiin marka Hirshabeelle la soo gaaro waxaa uu leeyahay qorshahan Muqdisho dekeda waa ku yartahay waa in ballaariyo'' ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in xubnihii ku howlahaan dhismaha maamulkan sheegeen in shacabka labada gobol wada tashi kala sameeyeen qorshana hormarinta Qaran.

‘’Qolyihii ku howlanaa dhismihii maamulkan ee labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ku dooday waan tagnay oo si dhab ah ayaan dadka u soo wareysanay, arintaa waxba kama jiraan, dadka ku dhaqan labada gobol lagama tallo galin Qorshaha hormarinta Qaran’’ ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dib ugu laabteen magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul gobolleedka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]