4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay oo la magacaabay

 
Jimco, May, 05, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay u Magacaabay Cali Wardheere.

Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka.

“ Mudane Cali ayaa loo arkay masuul kasoo bixi kara xilka, sidaasi darteetna waxaa lagu aaminay xilka Guddoomiyaha Gobolka”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Odayaashii wax kasoo dhisay maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Shariif, ayaa ka codsaday masuuliyiinta gobolka in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Baay.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay inuu  kasoo bixi doono kaalintiisa iyo xilka lagu aaminay.

Dhinaca kale, Wasiiradda maamulka Koonfur-Galbeed, ayaa soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug oo loo doortay Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Doorashadii madaxweynaha Galmudug oo ay ku tartamayeen saddex murashax ayaa wareegii labaad ay baarlamaanka maamulka Galmudug u doorteen Xaaf inuu noqdo madaxweyne.
 
Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia