4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Guddoomiyihii maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliland oo is casilay

 

Jimco,May, 05, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa iska casilay xilkii hay’adaasi.

“ Xilkaas waan iska casilay, sababtunna waxaa ay tahay muddo hadda laga joogo toddoba sannadood ayaan hayay xilkaas ilaa wakhtigaas iyo hadda waxaannu ku jirnay hawl-gal, markaa waxaannu darreensanayn Hay’addan magacowgeeddii kadib, inaan diyaar loo ahayn hawl-galkeeddii haddii ay Xukuumadda tahay iyo haddii ay Baarlamaanka tahay-ba. Hay’addii magacowday iyo Waaxdii Sharci-dejinta ee Xeerarkeedda ansixin lahayd, waxaa nooga muuqatay rabitaan la’aan siyaasaddeed oo aanu is lahayn wax-baa laga qaban doonnaa oo is bedel ayaa la samayn doonnaa ayaa ah ta nagu keliftay inaanu xilligan gebo-gabadda ah is-casilaadan bayaamiyo.” Ayuu yiri Madar.

Waxannu intaas ku daray “In badan ayaan ka gows addaygaayay, laakiin waxay soo gaadhay heer aan Xilkaas sii hayn kari waayo. Kulankii Madaxweynaha anigu (Guddoomiye), ahaan kamaan qayb-gelin, balse Afar xubnood oo kale ayaa ka qayb-galay, waxaan uga qayb-geli waayay-na waxay ahayd wakhtigii ku habboonaa ayaan la ii soo sheegin, waxaanna la ii soo sheegay iyaddoo uu kulankii ka hadhsan tahay Nusasaac, anigunna taas waan qaadan waayay.”

Arrintan ayaa ku soobeegmaysa afar  maalmood ka hor markii uu madaxweyne Siilaanyo kulan la yeeshay hay’adaha maamul wanaaga iyo hanti dhawraha guud oo uu madaxweynuhu faray  inay Shaqadooda Qabsadaan isla Markaasina Dabagalo Iyo Baadhitaano lagu Baadi Goobayo in aan musuqmaasuqu la samayn wakhtiga kala guurka ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.