4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Faah faahin : Wada hadaladii dhaxmaray wafdigii DF Soomaaliya iyo Itoobiya

 

Jimco, May, 05, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax yaabihii ay ka wada hadleen wafdigii dowladda federaalka Soomaaliya ee dhawaan gaaray magaaalada Addis Ababa iyo mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya.

‘’Kulan toos ah oo dhaxmaray wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa looga wada hadlay arimo dhowr ah, gaar ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka mahad celisay doorka dowladda Itoobiya ay ka qaadaneyso howlgalka midowga Africa AMISOM ‘’ ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaanba qodobadii laga wada hadlay leysku afgartay, gaar ahaan waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya markii ugu horeysay ogolaatay doorka dowladda dhexe ee siyaasada arimaha dibada amniga socdaalka iyo dhaqaalaha.

‘’Wadahadal dheer kaddib ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaglen ayaa afkiisa ka sheegay in uu aqoonsan yahay  in madaxweynaha DF Soomaaliya yahay mas’uulka koowaad siyaasada arimaha dibada, amniga, socdaalka iyo dhaqaalaha, wixii hadda ka danbeeyana dowladda Itoobiya arintaa uga danbeyneyso dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya  ayuu yiri ‘’ Wasiirka arimaha dibada Yuusuf Garaad oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee tagay magaalada Addis Ababa.

Intaa kaddib waxaa laga wada hadlay ayuu yiri arinta ku saabsan biyaha iyo wabiga Shabeelle waxaana leysku afgartay in loo saaro guddi gaar ah.

‘’Wafdiga dowladda federaalka iyo dowladda Itoobiya waxaa ay ka wada hadleen arinta biyaha wabiga shabeelle  waxaa ay ku soo dhamaatay in guddi labada dhinac ah loo saaro oo isla arka caqabadaha jira ee wax ka qabadka u baahan’’ ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.

Dhinac kale, waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan ra’iisal wasaare Desaglen balanqaaday in 500 oo ardey Soomaaliyeed ah siinayaan deeq waxbarasho oo isugu jirta Jaamacadaha kala duwan oo leh ilaa heer shahaadaha PhD.

Ugu danbeyntii, ayuu sheegay in laga wada hadlay arinta ku saabsan soohdinta labada dal gaar ahaan arimaha socdaalka oo ay ka wada hadleen wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya leyskuna afgartay in arintaa wax laga qabto.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaabiyay safarkii uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaddib gaaridii wasiirkii howlaha guud oo lagu dilay magaalada Muqdisho, isaga oo maalintii shalay ka ka qeybgalay salaadii Janaasada marxuumka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]