4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2017
Hanti Dhowrka guud ee Qaranka oo ku gacan seyray xil ka qaadistii lagu sameeyay

 

Jimco, May, 05, 2017 (HOL) - Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis ay xalay ku sameeyeen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, kaddib dilkii habeenimadii Arbacada loo geystay wasiirkii howlaha guud ee DF Cabbas Cabdullaahi Siraaji.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xil ka qaadistaasi aheyn mid sharciga waafaqsan, islamarkaana gollaha wasiirada xaq u laheyn in ay xilka ka qaadaan.

‘’Arintaasi sharci ma’aha, anniga xilka sifo sharci ah ayaan ku qabtay, gollaha wasiirada soo jeedin ayeey leeyihiin waa in baarlamaanka cod aqbaliyad ah ku aqbalo soo jeedinta gollaha wasiirada kaddibna madaxweynaha uu Dikareeto ku soo saaro xil ka qaadisteyda ayuu yiri’’ xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax.

Waxaa uu meesha saaray in xil ka qaadistan xiriir la leedahay dilkii wasiirka hasse ahaatee waxaa uu shegay in ay jiraan sida uu hadalka u dhigay arimo kale oo is biirsaday taasoo keentay in ra’iisal wasaaraha iyo xeer ilaaliyaha Qaranka isku kaashadaan in tallaabadan la qaado.

‘’Uma arko in arintan xiriir la leedahay dilka wasiirka oo kaliya, waxaa jiray qoraalo marar badan oo hore aan qoray oo aan ra’iisal wasaaraha uga digayo in uu faragalinta ka daayo hanaanka maaliyada, sidoo kale waxaa jiray qaladaad uu ku kacay wasiirka warfaafinta oo si aan sharci aheyn labo mas’uul oo wasaarada warfaafinta ka tirsan xilka uga qaaday iyo xeer ilaaliyaha guud oo warqad inta uu soo saaray leh waa in la soo xiraa labada mas’uul ee xil ka qaadista lagu sameeyay, arimahaas oo dhan ayaa sheegay in aysan sharci aheyn waana tan keentay in xil ka qaadisteyda loogu marmarsiyoodo dilka wasiirka ayuu yiri’’ Dr Nuur Faarax.

Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in falka ay ku kaceen ilaaladiisa xilka looga qaadi karin madaama ayuu yiri fal danbiyeedku yahay mid ku kooban cida geysatay.

‘’Kama soo horjeedo in ilaaladeyda falkan dilka ku kaceen oo anniga ayaanba laamaha amniga u gacan galiyay, mana aha arin aan xilka ku weyn karo, waayo fal danbiyeedku waxaa uu quseeyaa cida geystay ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar wax laga weydiiyay tallaabada xigta ee la qaadayo mar haddii ay gollaha wasiirada sheegeen in xilka laga qaaday waxaa uu yiri’’  dastuurka ayaa na kala saaraya cidna sharciga kama weyna.

Si kastaba dilka wasiirkii howlaha guud ee xukuumada Soomaaliya Cabbaas Siraaji ayaa u muuqda mid xiisad siyaasadeed ka dhax abuuraya laamaha dowladda federaalka Soomaaliya kaddib xil ka qaadistan ay sameeyeen gollaha wasiirada habeennimadii xalay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]