4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2017
Hantidhowrkii guud ee Qaranka oo xilka laga qaaday kadib dilkii wasiir Cabbaas

 

Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo ay caawa ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay si qota dheer uga wada hadleen dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay alle u ha naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka mid ahaa kulamadii todobaadlaha ee Khamiis walba ay yeelan jireen gollaha wasiirada, hasse ahaatee aaska marxuumka dartii ayaa la sheegay in caawa loo qabtay.

Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xubnaha gollaha wasiirada isku afgarteen in xilka laga qaado hanti dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo ku eedeysan in ilaaladiisa ay toogasho ku dileen wasiir Siraaji.


Wasiir Yariisoow, ayaa intaa ku daray in xilka hanti dhowrka guud ee Qaranka uu si ku-meel-gaar ah u sii heyn doono ku-xigeenkiisa.

Hanti dhowrkii Qaranka Dr Nuur Faarax ee xilka laga qaaday ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaalida ee Idaacada VOA-da ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid ku dhacay si aan ku talagalay aheyn, hasse ahaatee uu socdo baaritaan la xiriira dilka, isaga oo dhinaca kalana ka tacsiyeeyay geerida wasiirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]