4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 4 , 2017
Yuusuf Xassan oo ku guuleystay kursiga masharxnimada ee xisbiga Jubilee ee deegaanka Kamakunji

Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay musharaxnimada xisbiga Jubilee ee Xaafadda Kamakunji oo ay hoos tagto xaafadda Islii oo aa u dagenyihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi sida uu HOL u xaqiijiyey goobjooge ku sugan xaruunta xisbiga Jubilee ee magaalada Nairobi.

Natiijada hordhaca ahayd ayaa lagu sheegay in xildhibaan Yuusuf Xasan uu helay  6,000 oo cod, halka xildhibaan hore ee Simon Mbugua uu helay 10,000 oo cod. Taas ayaana keentay in buuq badan ka yimaado natiijada oo dad badan ay aaminsanaayeen in Yuusuf Xasan si sahlan ugu guuleystay.


Waa cod bixiyayaasha oo saf ugu Jira iney ritaan codkooda iskoolka New Eastleigh Primary School xaafada Eastleigh magaalada Nairobi, maalintii doorashada hordhaca ee Jubilee toddobaadkii lasoo dhaafay, oo ay ku loolamayeen musharaxiin tiro badan, oo uu kamid yahay xildhibaan Yuusuf Xasan.



Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka dacwoonaya natiijadii qaldaneyd ee la shaaciyey todobaadkii hore


Dadweynaha ku nool xaafadda Islii iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa maalmahaan si weyn uga walaacsanaa doorashada xildhibaan Yusuf Xasan ee xisbiga jubilee.

Deegaanka Kamakunji, wuxuu ka tirsan yahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waana qeybta ay hoos tagto xaafadda Eastleigh, ee ay sida weyn ugu ganacsadaan dadka Soomaalida.

Xildhibaan Yuusuf, ayaa soo hoggaaminayey deegaankan toddobaadii sano ee lasoo dhaafey, isagoo is badalo horumarineed oo la taaban karo kusoo hordhiyey xaafadda Eastleigh, iyo guud ahaan deegaankan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa lagu ammaanay howlihii uu ka qabtay deegaanka Kamkajunji gaar ahaa xaafadda Islii oo ay ka mid yihiin wadooyin si toos ah u soo galaya xaafadda Islii iyo howlo la xiriira nadaafadda xaafadda.