4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2017
Wasiirkii Howlaha Guud oo maanta aas Qaran loo sameynayo

 
Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) -Meydka wasiir Cabaas Cabdullahi Siraaji, oo xalay lagu dilay nawaaxiga Madaxtoyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu aasayaa magaalladda Muqdishu.

Aas-Qaran ayaa la filayaa in loo sameeyo Wasiir Cabbaas, waxaana ka qeyb-gali doona madaxda dowladda Soomaaliya, oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Xasan Cali Khayre.

 

Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen, sidaasi waxaa yiri wasiirka warfaafinta.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia