4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2017
Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo si ballaaran u xusay Maalinta Saxaafadda Adduunka

Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) -Wariyayaasha Soomaaliyeed waxa ay shalay si weyn u xuseen Maalinta Saxaafadda Adduunka iyaga oo leh gabdho iyo wiilal . Iyada oo ay taageereyso Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa NUSOJ waxa u suuragashay in ay munaasabado kala duwan ku qabtaan Muqdisho ,Garowe ,Kismaayo ,Adado ,Baydhaba iyo Jowhar.

Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay shardi u tahay xorriyadda warbaahinta iyaga si isla mid ah ugu baaqay dhamaan dhinacyda oo dhan in ay ixtiraamaan xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta DF Soomaaliya Inj C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow ) iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo wariyayaasha dabbaal degga kula qeybsaday Beerta Nabadda ayaa muujiyay in ay ka go'an tahay in wariyayaasha gacan ku siiyaan howshooda muhiimka ah waxana wasiirka uu ku tilmaamay wariyayaasha in ay yihiin geesiyayaal u shaqeynaya shacabkooda .

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating iyo kooxda xafiiskiisa ayaa shalay la quraacday xubno ka socday saxaafadda madaxa bannaan oo uu hogaaminyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ MIN Macalimuu.

Dadkii fagaaraha beerta nabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa wariye C/laahi Muuse Kalgacal oo maalin ka hor xabsi ka soo baxay .

Kalagacal ayaa u mhad celiyay NUSOJ oo dadaal u gashay sii deyntiisa isaga oo meesha ka saaray warar beryihii la soo dhaafay lagu qorayay baraha bulshada in wariyayaashu ay iloobeen xaragiisa.

Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Adduunka awgeed hoggaanka NUSOJ waxa ay hambalyo u dirayaan wariyayaasha Soomaaliyeed oo muujiyay dhabar adeyg xilli ay jirto tacdiyo loo geysanayo bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

NUSOJ maalintii Talaadada aheyd waxa ay dood cilmiyeed ku saabsan Sinnaanta Cadaaladdaiyo Sida ay Shardi u Tahay Xorriyadda Hadalka ku qabteen hotelka Jazeera.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaan Khaalid Macow iyo Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac . Avv Cumar Dhageey , Yusuf Hassan Isak oo rug caddaa saxaafdeed iyo Wali Hashi oo saxafi dalal badan oo adduunka ka soo shaqeeyay ayaa waayaragnimadooda la wadaagay tifatirataasha warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Hiiraan Online,