4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

 
Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen.

Farmaajo oo hadda booqasho ku jooga Magaalladda Addis, ayaa waxaa ay labada mas’uul ka wada hadleen in la abuuro xiriir qoto dheer oo dhex mara labada dowladdood iyo labada shacab, kaas oo ku dhisan wax wadaqabsi iyo xushmeyn.

Sidoo kale Farmaajo iyo Haile Mariam Desaglen, ayaa isla soo qaaday la dagaallanka Al Shabaab, iskaashi dhaqaalle oo ay labada dal yeeshaan, shirka London ee Soomaaliya iyo arrimaha xuduudaha oo ay dadka xoolo dhaqatada ah ee labada dhinac ay dhibaatooyin badan ku qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa  maanta booqashadiisa soo gaabinaya, waxaana uu dib ugu soo noqonayaa dalka Soomaaliya.

"Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas", ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxaana uu sheegay in Cabaas uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN", ayuu hdalkiisa uu sii raaciyay.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen, sidaasi waxaa yiri wasiirka warfaafinta.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia