Soomaaliland oo ku baaqday in aan cunaqabateynta hubka laga qaadin Soomaaliya
Khamiis, May, 18,
2017 (HOL)- Khamiis,May,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed
Siilaanyo ayaa beesha caalamka u soo jeediyey in Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta
hubka.
Sidoo
kale, waxaa uu madaxweynuhu sheegay in carqaladihii ka hor yimid
xukuumadiisa ay u horeyso abaarta
baahsan ee dalka ka jirta iyo sicir bararka wadankii saameeyey.
Sidaasna
waxa uu ka sheegay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanayso oo uu ugu
tallogalay munaasibadda 18 May oo sanad walba maalintan oo kale si weyn loogu
dabaal dego.
“Aniga
oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa'iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa
dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa,
Jaamacadda carabta, dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay
garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa
aaya ka tashiga shacbigayga.Soomaalidu waxay ku maahmaada: "Ninka aan waxa
soo socda garani, waxa joogna ma garto".Sidaa darteed, maanta ummadii
soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad
ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna
qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u
horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh
oo abuura xiisado colaadeed.Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda
Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo
aan laga soo kaban.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Waxaanu
intaas ku daray “waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad
qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga.Waxaan ugu baaqayaa
dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo
niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan
run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way
tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna
tashada, oo iskiin u tashada.Haddii soomaali wada noolaan kari wayday, wuxu
caqliga fayobi ina farayaa, in ay iskeed u kala noolaato.”
Dhinaca
kale,w axa uu sheegay inuu wax ka qaban doono sicir bararka jirta, waxa kale oo
uu tilmaamay in qaadhaanka la ururinayo lagu caawin doono dadka abaaruhu
saameeyeen ee miyiga joogta.
Intaas
ka dibna waxa uu madaxweynuhu bilaabay inuu beero dhir,waxaanu ugu baaqay
bulshadda in deegaanka iyo dhirta la ilaaliyo,isla markaana dhir beeristu qayb
ka tahay in la helo cimilo wanaagsan.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.