4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2017
Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliland oo ka hadlay askari ku dhex geeriyooday xabsiga

 

Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Taliska ciidamada militariga Soomaaliland ayaa ka hadlay askari, maydkiisa lagu arkay xabsiga xeradda ciidamada ee Birjeex ee magaaladda Hargeysa kadib markii uu xabsiga isku dhex daldallay.

Taliska ciidamada militariga oo qoraal ku saabsan askariga ku dhex geeriyooday xabsiga ciidanka dhexdiisa ayaa la sheegay in la baadhayo sababtu u geeriyooday.

"Alle haw Naxariistee marxuum ka tirsanaa ciidamada militariga Soomaaliland ayaa meydkiisa laga helay xabsi uu ku jiray oo ku yaal xerada Birjeex ee magaladda Hargeysa, Marxuumka oo muddo laba todobaad cibaaq amardiido u xidhnaa,ayaa meydkiisa isagoo is-dal-dalay lagu arkay xabsiguu ku jiray, waxaana socota baadhitaanka sababaha keenay dhimashadiisa.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi, inkastoo marxuumka magaciisa aan la shaacin balse la tilmaamay inuu isku daldalay xabsiga dhexdiisa.

“Taliska ciidamada Qaranka waxaa uu tacsi u dirayaa qoyskiisa, caruurtiisa iyo dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland geerida ku timi marxuumka ka baxay, isla markaana caddaynayaa inay baadhitaanka ka dib faahfaahin buuxda ka bixin doonaan geerida askarigaa, mana jiraan wararka sheegaya inuu sababo sicir-barar dartood isku deldelay. Waxaa looga digayaa dhamaan warbaahinta, inay ka fogaadaan inay faah-faahino mala-awaal ah ka bixiyaan sababaha keenay geeridiisa, inta faahfaahin buuxda ka bixinayaan Ciidanka Qaranka”ayaa la raaciyey qoraalkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.