4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Qarax ka dhacay Muqdishu iyo ciidanka oo gacanta ku dhigay raggii gaariga Qarxay watay

 
Isniin, May, 15, 2017 (HOL)-  Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari uu ku qarxay degmadda Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga xaruuntii xoogga korontada ee degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdishu.

Ciidanka dowladda ayaa ka hortagay gaariga, waxaana dadka ay ku wargeliyeen in ay ka fogadaan halkii uu gaariga yaallay, sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.

“Ciidanka Boliiska ayaa kala ceyriyay dadka, daqiiqado kadib, waxaa la maqlay Qarax xoog badnaa, khasaaraha aad ayuu u yaryahay”, goobjooge ayaa u sheegay Hiiraan Online.

Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay, sidaasi waxaa sheegtay dowladda Soomaaliya. 

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si loo sugo ammaanka dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba qof oo watay gaarigii Qarxay.

Qaraxa waxaa bur-bur uu u geystay isbitaal kasoo horjeeda xaruunta xoogga korontada ee degmadda Xamar-weyne.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa, balse Qaraxyada loo adeegsado gawaarida ayaa inta badan waxaa fuliya xarakadda Al Shabaab.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia