4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 15, 2017
Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Isniin, May, 15, 2017 (HOL) -- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax ka dhacay dhabarka danbe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamar –Weyne gobolka Banaadir .

Qarax oo siweyn laga maqlayo qeybo badan oo ka mid ah caasimada, ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaar ahaan qaraxa ayaa ka dhacay afafka hore rug caafimaad oo ku taalla dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in markii horeba ciidamada ka sii war ahayeen qarax oo lagu raad joogay, isaga oo intaa darray in uusan jirin khasaare ka dhashay marka laga soo tago bur burka goobihii ganacsi ee ka agdhawaan halka uu ka dhacay.

Dadka shacabka ah ayeey la sheegay in ciidamada ay ka kala eryeen goobta uu yaallay gaariga oo horay looga war hellay in ay ku raran yihiin walxaha qarxa.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) war kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Raggii watay Gaariga, kaasi oo Qarxay inta aysan soo gaarin hay’adaha Miina baarista.

Qaraxa maanta ayaa ku soo beegmay xili maanta magaalada Muqdisho looga dabaal-dagayay munaasabada 15ka May, waxaana xusid mudan in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuska maalintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]