4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Munaasabada 15 May oo laga xusay magaalada Beledweyne [Sawirro]


Isniin, May, 15, 2017 (HOL) - Munaasabada 15 May oo ku beegan maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo aas-aaskii ururka SYL sanadkii 1943kii ayaa maanta laga xusay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiiraan.

Munaasabada oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimaya waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, wasiirka wasaarrada dhalinyarrada maamulka Hirshabeelle, ururada haweenka iyo dhalinyarrada.

Sidoo kale waxaa munaasabada heeso kala duwan ka qaaday Fanaanka Soomaaliyeed Dayax Dalnuurshe oo lagu martiqaaday ka qeyb-gallay munaasabadan, isaga oo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo booqasho uu ku tago gobol ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku darray in uu ku faraxsan yahay imaashiyihiisa magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabada ayaa ku dheeraaday muhiimada maanta oo kale u leedahay dhalinyarrada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in 13kii dhalinyarrada SYL ahaayeen sida uu hadalka u dhigay geesiyaal Soomaaliyeed oo sabab u ahaa xornimada aynu maanta harsaneyno.

Guddoomiyaha haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte oo hadal kooban ka jeedisay xuska munaasabada 15ka May ayaa hambalyo u dirtay guud ahaanba dhalinyarrada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

Wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha maamulka Hirshabeelle CabdiQani Jeenyo ayaa sidoo kale hambalyo u dirray dhamaanba dhalinyarrada ku dhaqan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle, isaga oo kula dardaarmay dhalinyarrada in ka faa’ideystaan fursadaha kala duwan ee hor yeella.

Ma’aha magaalada Beledweyne oo kaliya ee sidoo kale degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacayaan munaasabado kala duwan oo loogu dabaal-dagayo 15ka May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]