4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho


Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xuska SYL.

Xubnaha golayaasha dowladda ayaa ku wehlinayay Ubax dhigista iyo munaasabadda xuska maalinta aas-aaska xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhallinyaradda, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatay xornimadii dalka.

Munaasabaddii maanta waxaa ka qeyb-galay, golayaasha dowladda, mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir, dhallinyaro iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka. 

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray dhamaan dhallinyaradda Soomaaliyeed, xuska munaasabadda 15-ka May awgeed.

"Dalka hadda waxaa uu taaganyahay xiligii ay dhallinyaradda gacanta ku dhigi lahaayeen isla markaana ay u hagi lahaayeen dhanka Horumarka iyo xasiloonida”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhallinyaradda Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah.
 
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia