4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Ra’iisul wasaare Khayre oo hambalyo u diray dhallinyaradda Soomaaliyeed xuska “15 May awgeed”

 
Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta hambalyo u diray dhamaan dhallinyaradda Soomaaliyeed, xuska munaasabadda 15-ka May awgeed.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale dhallinyaradda ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aadan horumarinta dalka iyo nabadeynta guud ahaan dalka Soomaaliya.

"Dalka hadda waxaa uu taaganyahay xiligii ay dhallinyaradda gacanta ku dhigi lahaayeen isla markaana ay u hagi lahaayeen dhanka Horumarka iyo xasiloonida”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale dhallinyaradda ugu baaqay in ay xasuusnaadaan Dhallinyaradii usoo halgantay xuriyadda dalkeena isla markaan sababta u ahaa in maanta ay Soomaaliya ay noqoto dal xur ah oo madax banaan.

Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhallinyaradda Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah.

Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay.
SYL, ayaa kaalin muuqata ka qaadatay in gumeystayaashii dalka laga ceyriyo, umadda Soomaaliyeedna ay helaan xuriyad buuxda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia