4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Dhallinyaraddii xuriyada Soomaaliya horseeday oo maanta la xusayo “15-May maalinta SYL”

 
Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro.

Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa:

1.    Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow  Bakool 1919    24 Jir

2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg  G/gadud 1915     28  Jir 

3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo  Mudug 1917  26 Jir

4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir

5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir 

6. Dheere Xaaji Dheere  Muqdisho Banadir 1926    17 Jir 

7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)  Hobyo Mudug  1925 18 Jir 

8. Cali Xasan Maslax  mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 Jir 

9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho  Banadir 1927    16 Jir 

10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud   1925  18 Jir 

11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi  Muqdaisho  Banadir  1918    25 Jir 

12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax  Mareereey Sh/hoose  1926 17 Jir

13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere  Gedo 1910    33 Jir

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aas-aasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:- 

1-      In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.

2-       In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.

3-       In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Xoriyaddii Ummada Soomaaliyeed ay hanatay sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani ku daatay.

SYL, ayaa kaalin muuqata ka qaadatay in gumeystayaashii dalka laga ceyriyo, umadda Soomaaliyeedna ay helaan xuriyad buuxda.

Halkaan ka dhegeyso taariikhda SYL, oo uu ka sheekeynayo AXMED FAARAX IDAAJAA, balse waxaa taariikhadan uu duubay sanadkii 2016.


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia