4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
Xukuumadda Soomaaliya oo maanta fasaxday shaqaallaha Dowaladda

 
Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta fasaxday dhamaan shaqaallaha dowladda munaasabada 15- May awgeed, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta.

"Annigoo ku hadlaya afka xukuumadda Soomaaliya, waxaa maanta la fasaxay dhamaan Shaqaallaha Dowladda Munaasabadda xuska 15-ka May awgeed”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad walba xusta, dhallinyaradii aas-aaska u ahaa xuriyadda dalka Soomaaliya.

Sanad kasta bisha May 15-keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aas-aaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isaga oo ay ku mideysanyihiin dhallinyaro.

Hadaba halkan ka aqriso magacyada, meesha ay ku dhasheen, iyo Sanadka ay dhasheen, 13-kii dhallinyaro ee dhidibada u aasay SYL.

1.    Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow  Bakool 1919    24 Jir.

2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg  G/gadud 1915     28  Jir.

3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo  Mudug 1917  26 Jir.

4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir.

5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir.

6. Dheere Xaaji Dheere  Muqdisho Banadir 1926    17 Jir.

7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)  Hobyo Mudug  1925 18 Jir.

8. Cali Xasan Maslax  mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 Jir.

9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho  Banadir 1927    16 Jir.

10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud   1925  18 Jir.

11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi  Muqdaisho  Banadir  1918    25 Jir.

12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax  Mareereey Sh/hoose  1926 17 Jir.

13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere  Gedo 1910    33 Jir.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia