4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2017
DAAWO:- Khudbadda Ra’isulwasaaraha Soomaaliya uu ka Jeediyey Shirka Doha Forum

 
Isniin, May, 15, 2017 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb gallay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaallaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

“Adduunka intiisa badan waxaa heysta daruufo badan, waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, Soomaaliya waxaa soo daashay daruufo badan, waxaana ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, annaga ka dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka

Shirka Doha Forum ee ka soconaya caasimadda dalka Qatar, ayaa la filayaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyayo.

Hadaba  Khudbadda Ra’isulwasaaraha Hoos Ka Daawo:-

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia